RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku sii jeeda dalka Qatar, sida la soo wariyay.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta.

Dowladda Qatar ayaa muddo dheer kamid ahayd dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo taageeradeeda ay ku wajahan tahay dhinacyo ay kamid yihiin amniga, tababarka ciidamada, adeegyada aasaasiga ah iyo mashaariicda horumarineed.

Sidoo kale, Soomaaliya iyo Qatar ayaa bishii Janaayo 2026 kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari, tababarka iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Xamse Cabdi Barre ay sidoo kale noqon karto fursad lagu raadiyo taageero dheeraad ah oo Qatar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya danaha labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horey u sheegay in Qatar ay tahay saaxiib muhiim u ah Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay taageerada ay dowladda Qatar siiso dalka.

WARARKII KALE

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Saldhigyo Ciidan iyo Xarumo Drones

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saddex magaalo oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles