Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Agaasimaha Hay’adda NISA, Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo masuuliyiin kale, lagu go’aamiyay in dib loogu laabto doorashadii Galmudug.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay shalay laashay natiijadii doorashadii isku-sidkaneed ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug.
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadii ka dhalatay aysan lahayn jiritaan sharci ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorasho cusub oo Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug ah, iyadoo la dhowrayo Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka.
Wararka laga helayo kulanka xalay ayaa tilmaamaya in dowladda Federaalka ay u dhaqaaqeyso fulinta go’aanka Maxkamadda Sare, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la faahfaahiyo jadwalka iyo habraaca doorashada cusub.


