Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Saldhigyo Ciidan iyo Xarumo Drones

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saddex magaalo oo istaraatiiji ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka laga dhiso saldhigyo ciidan iyo xarumo laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Sida ay xogtu sheegayso, qorshahan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga dowladda Federaalka ee xaalad kasta oo ka dhalan karta bixitaanka ama hoos u dhaca ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo la doonayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka.

Magaalooyinka ku yaalla Koonfur Galbeed, gaar ahaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, ayaa sidoo kale la qorsheynayaa in la geeyo cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo howlgallada ka socda deegaanadaasi.

Saldhigyada drones-ka ayaa lagu doonayaa inay fududeeyaan howlgallada degdegga ah, iyadoo ciidamada goobta jooga ay heli doonaan awood dheeraad ah oo ku saabsan kormeerka, sahanka iyo xog-ururinta goobaha howlgalada.

Tani waxay yareyn kartaa baahida loo qabo in ciidamada goobta jooga ay mar kasta Muqdisho ka sugaan amar ama taageero, maadaama xarumaha drones-ka ay awood u siinayaan in si degdeg ah loo helo xogta xaaladda dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.

Sidoo kale, waxaa la kordhiyay adeegsiga drones-ka habeenkii, kuwaas oo kormeer ka wada goobaha dagaalka iyo deegaanada istaraatiijiga ah.

Awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa horey uga mid noqotay qorshayaasha amni ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka lagu tababaray adeegsiga drones-ka, gaar ahaan kormeerka, sahanka iyo ururinta xogta goobaha howlgalada.

Soomaaliya oo isu diyaarineysa mas’uuliyadda amniga 

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay si buuxda ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, gaar ahaan xilliga ay ciidamada AUSSOM yareeyaan joogitaankooda ama ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa baahi sii kordheysa oo ah in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo inay si madax-bannaan u qorsheeyaan una fuliyaan howlgallada amni, iyadoo la adeegsanayo xog-ururin casri ah, drones iyo xarumo ciidan oo ku yaalla goobaha istaraatiijiga ah.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu wax ka beddeli karaa habka ciidamada dowladda uga howlgalaan gobollada, iyadoo awoodda kormeerka iyo jawaabta degdegga ah loo sii dhoweynayo goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin.

WARARKII KALE

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles