Qaraxyo lagu weeraray Maraakiib uu leeyahay Ruushka oo marayay Xeebaha Turkiga

Hay’adaha badda ee Turkiga ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen laba markab oo ah nooca saliidda xambaara oo ku sii jeeday dalka Ruushka, kuwaas oo dab ka kacay kadib qaraxyo ka dhacay. Mid ka mid ah maraakiibtan wuxuu ku safrayay waqooyiga Biyogga Bosphorus markii qaraxu dhacay.

Markabka labaad waxaa la sheegay inuu marayay bariga badda Madow markii qaraxu uu isna haleelay.

Hay’aduhu waxay sheegayaan in maraakiibtaan laga yaabo in lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan. Labadaba waxay ku jiraan liiska maraakiibta cunaqabataynta lagu soo rogay kadib markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022-ka.

Shaqaalaha labada markab saarnaa waa la badbaadiyay, sida wararku sheegayaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah maraakiibta uu weli dab ka holcayo. Dowladda Turkiga ayaa u gurmatay iyadoo weli howshu ay socoto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles