Soomaaliya iyo Marooko oo heshiisyo cusub kala saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaada Rabat, Nasser Bourita, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta dalka Morooko iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo qoto-dheereyntiisa.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir ayaa saxiixay tubta iskaashiga oo taabagal noqon doonta inta u dhexeysa sanadaha 2026–2028. Tubtani waxa ay diiradda saari doontaa ballaarinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga badda, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababbarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, ciyaaraha, iyo dhaqanka.

Heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale saxiixay heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Marooko oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami , iyada oo la isla qaatay in wadashaqayntani ay ka caawinayso in la mideeyo aragtiyada ku saabsan arrimaha labada dal ay wadaagaan, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed.

Labada wasiir ayaa waxa ay carabaabeen taageeriddooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, iyagoo bogaadiyay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles