Monday, September 1, 2025

Qorshaha lagu canshuurayo lacagaha Telfoonnada laga diro oo la diiday

Xildhibaano katisan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay xarunta golaha, ayaa si adag uga horyimid qorshaha wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku dooneyso in lacago canshuuro ah uga qaado lacagaha telfoonada la isaga diro.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in sharci aan baarlamaanka lasoo marin lagu dhibaateeyo shacabka, waxa ayna sheegeen in laga maarmaan tahay in baarlamaanka la horkeeno kaddibna goโ€™aan ka gaaraan canushuurta lagu soo rogayo lacagaha la isaga diro telfoonnada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan xildhibaannada golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbali karin in wasiir seexday waxii uu ku riyoodo umadda sharci uga dhigo, waxa uuna xusay sharci aan baarlamaanka soo marin aan dad waxba looga qaadi karin laguna canshuuri karin.

โ€ Waxaan rabaa in aan ka hadlo arrinta Evc-ga la canshuuraa , waxaan sheegaa sharci aan baarlamaanka soo marin wasiir kuma canshuuri karo , wasiir walbo inta xalay seexday soo riyoodo sidee bajadka ku badsan kartaa uu ku fekero, kaddibna halkaan soo joogsado guddoonkeena soo hoos galiyaan annagu ma rabno, xildhibaanno ayaan nahay waana naqaan waxa shacabkeena iyo dadkeena u fiican โ€ ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Faaโ€™isa Maxamed Jeyte oo iyana ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in aysan aqbalaneyn in shacabka Soomaaliyeed canshuur lagu dhibaateeyo, waxa ayna xustay in shacabka xaq u leeyihiin in sidii kuwa Kenya u kacaan iskana diidaan canshuurta dulmiga ah ee lagu soo rogayo.

Wasiirka Maaliyaddaย  ayaa shaaciyay in la canshuurayo lacagaha telfoonnada la isaga diro oo inta badan isticmaalana shacabka , iyada oo xusid mudan tahay in dalka uusan xilligan laheyn lacag fiican oo kaash ah oo dadku isticmaali karaan, kuna qasban yihiin dadku isticmaalka lacaga telfoonada laga diro.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles