Qoys dhan oo reer Ukraine ah oo ku dhintay weerar ay fuliyeen Darooniska Ruushka

Qoys dhan – lamaane is qabay iyo laba wiil oo ay dhaleen – ayaa lagu dilay weerar habeen hore ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ka fuliyeen gobolka Sumy ee waqooyi-Bari ee Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Madaxa gobolka Oleh Hryhorov ayaa sheegay in dhismo deegaan lagu garaacay tuulada Chernechchyna. Meydadka labada caruur ah oo da’dooda lagu kala sheegay afar iyo lix jir iyo waalidiintooda ayaa markii dambe laga soo saaray burburka.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in cutubyadoodu ay soo rideen 46 ka mid ah 65 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka guud ahaan Ukraine, balse waxaa jiray 19 duqeyn oo toos ah oo ka dhacay lix goobood.

Ciidamada Ruushka ayaan ka hadlin. War qoraal ah oo ay soo saartay Ukraine oo ay ku sheegtay in 81 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine ay burburiyeen habeenkii xalay ahaa shan gobol oo Ruushka. Lamasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Qoraal uu soo dhigay Telegram subaxnimadii Talaadada, Hryhorov wuxuu ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay si ula kac ah u beegsadeen dhismo la deggan yahay oo ku yaal Chernechchyna.

Waxa uu sheegay in qoys dhan oo la waayay ay tahay “musiibo aysan waligeen iloobi doonin, kana cafin doonin”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles