Qoys dhan oo reer Ukraine ah oo ku dhintay weerar ay fuliyeen Darooniska Ruushka

Qoys dhan – lamaane is qabay iyo laba wiil oo ay dhaleen – ayaa lagu dilay weerar habeen hore ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ka fuliyeen gobolka Sumy ee waqooyi-Bari ee Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Madaxa gobolka Oleh Hryhorov ayaa sheegay in dhismo deegaan lagu garaacay tuulada Chernechchyna. Meydadka labada caruur ah oo da’dooda lagu kala sheegay afar iyo lix jir iyo waalidiintooda ayaa markii dambe laga soo saaray burburka.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in cutubyadoodu ay soo rideen 46 ka mid ah 65 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka guud ahaan Ukraine, balse waxaa jiray 19 duqeyn oo toos ah oo ka dhacay lix goobood.

Ciidamada Ruushka ayaan ka hadlin. War qoraal ah oo ay soo saartay Ukraine oo ay ku sheegtay in 81 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine ay burburiyeen habeenkii xalay ahaa shan gobol oo Ruushka. Lamasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Qoraal uu soo dhigay Telegram subaxnimadii Talaadada, Hryhorov wuxuu ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay si ula kac ah u beegsadeen dhismo la deggan yahay oo ku yaal Chernechchyna.

Waxa uu sheegay in qoys dhan oo la waayay ay tahay “musiibo aysan waligeen iloobi doonin, kana cafin doonin”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles