Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay soo gaareen ku dhawaad 200 oo qoys, kuwaasi oo u badan haween, caruur iyo waayeel.

Dadkani waxay sheegeen in ay guryahooda uga baxeen cabsi iyo rasaas culus oo ku dhacaysay xaafadahooda.

Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa hadda lagu dejiyey iskuullo loo bedelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwa kalena ay la hoydeen eheladoodii horey ugu sugnaa magaalada Mandheera.

Mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah, iyaga oo xusay in xaaladdu tahay mid bani’aadanimo oo aad u cakiran isla markaana u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Dadka ku barakacay dagaallada Balad-Xaawo ayaa wajahaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin:

Hoy la’aan

Cunto yari

Biyo la’aan

Daryeel caafimaad oo xaddidan

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles