Saturday, June 14, 2025

Qunsuliyadda Ruushka ee Marseille oo la weeraray

Saddex walxaha qarxa ah oo gacan ku sameys ah ayaa lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Marseille ee koonfurta Faransiiska, Isniinta maanta ah, balse ma jirin cid wax ku noqotay, sida uu sheegay sarkaal boolis ah.

Labo ka mid ah walxaha qarxa ayaa qarxay, halka midda saddexaad aysan shaqeyn, sida uu sheegay sarkaalka, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay sannad-guuradii saddexaad ee duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Booliska ayaa go’doomiyay qunsuliyadda, waxaana wariyeyaal ka tirsan AFP ay maqleen qarax uu sababay robot-ka baarista waxyaabaha qarxa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay weerarka, kuna tilmaantay “fal argagixiso.”

“Qaraxyada ka dhacay qunsuliyadda guud ee Ruushka ee Marseille waxay leeyihiin dhammaan astaamaha fal argagixiso,” ayay tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Maria Zakharova, oo la hadleysay warbaahinta Ruushka.

“Waxaan dalbaneynaa in waddanka martida loo yahay uu sameeyo baaritaan dhameystiran oo degdeg ah, iyo in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka xarumaha diblomaasiyadeed ee Ruushka,” ayay tiri Zakharova.

Faransiiska ayaa si dhaqso ah u cambaareeyay dhacdadan. “Faransiisku wuxuu cambaareynayaa weerar kasta oo wax u dhimaya amniga xarumaha diblomaasiyadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Xurmeynta, ilaalinta, iyo badqabka xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda waa qodobo aasaasi ah oo ku xusan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Bishii Febraayo 24, 2022, hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa duullaan ku qaaday Ukraine oo xulafo la ah reer Galbeedka, taasoo bilowday dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles