Monday, March 17, 2025

R/Wasaare Xamsa iyo hay’addaha ammaanka oo ka shiray sugida Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 16/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabelle?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

MW Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Lataliyaha Xiriirka dowlad goboleedyada

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka...

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka xoogga  oo kaashanaya Ciidanka...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 15/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Sheekh Shariif oo ka qeyb galay Shir caalami ah oo ka dhacay dalka Azerbaijan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles