DF oo sheegtay in duqeyn ka dhacay Ceelbaraf lagu burburiyay gaadiidka qaraxyo oo AS ay diyaarisay.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqayn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu burburiyay gaadiid qaraxo lagusoo raray oo ay wateen maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Duqayn ayaa ka dhacday deegaanno hoos taga degaanka Ceel Baraf ee Shabeellada dhexe, waxaana iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya AFRICOM ayaa weli wada qiimeynta natiijada hawlgalka iyo dabagalka bartilmaameedyada kooxda Alshabaab, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo adkaynta amniga deegaannada la xoreeyay.

Dowladdu waxay qoraalkaan ku sheegtay in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeertay kooxaha Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

Ciidamada Xoogga iyo kuwa ciidamada deegaanka ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Ceel Cali Axmed, oo maalmo ka hor ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka  dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles