Saturday, June 13, 2026

R/wasaare Xamsa oo tagay halkii lagu soo dhisatay dowladnimada ee Magaalada Carta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo weli ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Xamsa ayaa waxaa uu bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

WARARKII KALE

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles