Saturday, August 8, 2026

R/wasaareyaashii hore ee dalka Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay waxaa ay magaalada Muqdisho kulamo gooni-gooni ah kula yeesheen xildhibaanno iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa loo arkaa inay yihiin hordhac u ah shir ballaaran oo la filayo in toddobaadkan ay siyaasiyiinta mucaaradka ku yeeshaan caasimadda, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulamada iyo madaxda mucaaradka ayaa si qoto dheer uga hadlay dhinacyada ay la kulmeen xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka, iyo sida loo heli karo xal waara oo ka turjumaya rabitaanka shacabka.

Shirkan la filayo inuu dhaco ayaa noqon doona fursad kale oo mucaaradku isku afgartaan mowqif mideysan, iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kulamo hoose oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii hore ee dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii kordhaan kulamada siyaasadeed, iyadoo muqdisho ay markale noqotay xarunta isku dhaca aragtiyaha siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles