Wednesday, November 12, 2025

Rag ku eedeysan Ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista ahayd ee ka dhacday aagga Walaweyn in eedeysanayaal gacanta lagusoo dhigay isla markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.

“ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose

Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena iyo dhaqankeena midna.

Taliyuhu wax uu sheegay in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa

“Seddexdaasi eedeysane waxa isla maantay lagu wareejiyay maxkamadda ciidanka qalabka Sida” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoosee Ibraahim Aden Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles