Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen. Marco Manzone.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyada uu Midowga Yurub ka taageero Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga, dib-u-dhiska iyo adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in la xoojiyo is-waafajinta mashaariicdaas iyo qorshayaasha horumarineed ee maamulka gobolka.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la laba-jibbaaro taageeradaas si loo xaqiijiyo barnaamijyada muhiimka ah ee heer qaran, oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka ee soo socda.

Dhankiisa, Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub, Jen. Marco Manzone, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wada-shaqaynta dhow ee kala dhaxaysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, isla markaana ay sii wadi doonaan taageerada dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo dadaallada dawlad-dhiska ee caasimadda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar muuqda oo ka hana qaada caasimadda Muqdisho. Labada mas’uul ayaa isku raacay in la sii dardar-geliyo wada-shaqaynta barnaamijyada horumarineed iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa adeegyada bulshada, si shacabka reer Muqdisho ay uga faa’iideystaan fursadaha wax-ku-oolka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles