Sunday, March 1, 2026

Raggii loo haystay dilka Hooyo iyo caruurteeda oo xukun dil toogasho iyo xabsi lagu riday

Maxkamada Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goordhaw dil toogasho ah ku xukuntay, Cabdi Cismaan Cabdulahi iyo Galad Ahmed Xuseen.

Sidoo kale Maxkamadu waxay xukun xabsi shan sano ah ku riday Ayuub Maxamed Cabdi.

Raggaan ayaa loo heystay dilka Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kkuwasi oo lagu dilay deegaan ku dhaw Qaayib oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Kiiskan oo kamid ahaa dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhacay deegaanka Qaayib, ayaa muddo bilooyin ah marqaatina iyo caddeymo isdaba yaal loo gudbinayay maxkamadda. Maxkamadda Racfaanka ayaa kiiskan dib u dhageysatay shan jeer, maadaama ay mar kasta soo kordhayeen xog cusub iyo dood difaac oo ay soo gudbiyeen qareennada labada dhinac.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanka kama dambeysta ah, kaas oo noqday:

Cabdi Cismaan Cabdullaahi – Dil toogasho ah

Galad Axmed Xuseen – Dil toogasho ah

Ayuub Maxamed Cabdi – Shan sano oo xabsi ah

Maxkamaddu waxay sheegtay in labada eedeysane ee lagu riday dilka toogashada ay ku cadaatay ka qeybqaadashadii dilka hooyada iyo saddexda gabdhood, halka Ayuub Maxamed Cabdi lagu helay inuu qayb ka ahaa falka balse aysan caddeymo buuxa oo toos ah loogu helin dilka, taas oo sababtay in xukunkiisu ka yaraado.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles