Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay Iran.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid wax war ah ka soo saartay qodobadda ay ka wada hadleen labada hoggaamiye ee ku saabsan Iran. Bishii June waxaa uu dagaal adag dhexmaray Israa’iil iyo Iran.
Hogaamiyeyaal badan oo muhiim u ahaa Iran ayaa lagu dilay dagaalkaasi. Dagaalka ka dib, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS 19-kii June in faragelinta Maraykanka ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ay “u horseedi doonto xiisad kale oo xun.”
Ruushku waxa uu Iran u arkaa xulafo muhiim ah. Sannadkan, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu iskaashi istiraatijiyadeed la saxeexday madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian.
Heshiisku wuxuu dhigayaa in labadooduba ay rabaan inay horumariyaan iskaashiga difaaca.