Tuesday, January 13, 2026

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.

Danjire Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garabtaagantahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Ra’iisulwasaaraha kulanka ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles