DFS”Soomaaliland waa inay ka fogaataa ficil kasto oo xaalada ugu sii daraya”

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo si cad uga hadashay xaaladda degdegga ah ee halkaasi ka taagan.

Warsaxaafadeedka oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayaa dowladda ku sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdooyinka dhimashada iyo dhaawaca sababay rabshadihii ka dhacay Boorama.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa si toos ah uga dalbatay maamulka Somaliland in ay joojiyaan ficillada shacabka dhib u geysanaya, isla markaana laga fogaado wax kasta oo xaaladda sii xumeeyn kara. Qoraalka warqadda ayaa ku cad:

Wasaaraddu waxay baaq xooggan u dirtay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal, kuna boorrisay in ay door ka qaataan dejinta xaaladda. Baaqa ayaa tilmaamay in bulshadu ka shaqeyso “muujinta daganaanta, lana joojiyo ficillada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka.”

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada taakuleynta dhaawacyada iyo bixinta gargaarka caafimaad ee dadka u baahan, taasoo muujinaysa in DFS ay si dhow ula socoto xaaladda Boorama inkastoo ay Somaliland isku daydo inay ka madax-bannaanato arrimaha dowladda dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles