Monday, September 1, 2025

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda gaashaandhigga

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga si uu u dhiirrigeliyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka, loona taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Gaashandhigga mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay masโ€™uuliyiinta Wasaaradda, oo ka warbixiyay horumarka laga sameeyey tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku bogaadiyey masโ€™uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada sida ay uga goโ€™an tahay difaaca dalka iyo ka hortagga khataraha argagixisada.

โ€œWasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.โ€ ayuu yiri mudane Saalax Jaamac.

Intaa kadib, Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo uu la kulmay shaqaalaha iyo xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, una muujiyay taageero iyo dhiirigelin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya hayโ€™adaha dowladda iyo hubinta in howlaha qaranka lagu wado si hufan oo waxtar leh, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles