James Swan oo loo magacaabay inuu noqdo ergeyga Corgo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka kala wareegaya Bintou Keita, oo Qaramada Midoobay uga mahadcelisay shaqadii ay ka qabatay hawlgalkaas.

Magacaabistan ayaa ka dhigan in Swan uu baneeyo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo uu tan iyo Maarso 2025 ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo madaxa United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS). Waxa uu sidoo kale hore u soo hoggaamiyay United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022.

Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay, iyadoo hoggaanka siyaasadda dalka ay isku khilaafsan yihiin arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, hawlgalka MONUSCO ee uu Swan hoggaamin doono ayaa ah mid ay Qaramada Midoobay dhistay sanadkii 2010 si loo ilaaliyo rayidka, loo taageero dowladda Congo, loona xasiliyo gobollada ay ka jiraan colaadaha, gaar ahaan bariga dalka.

Dagaalladaas waxaa ku lug leh kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay March 23 Movement (M23), oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedeeya Rwanda inay taageerto M23, inkastoo Kigali ay si adag u beenisay eedeymahaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles