Sunday, July 19, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaal-marin siiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey Ardeyda kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore oo uu tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka wanaagsan ee dalka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheeekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodkii dib u eegista Dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka oo ah aas-aaska ugu weyn ee uu ku dhisan yahay nidaamka dowladeed ee dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

WARARKII KALE

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Iran

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu...

Cabsi laga qabo inuu fashilmo shirka DF iyo Mucaaradka

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in guddiyadii wada-hadallada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles