Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad oo furay munaasabad lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee XFS Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta furay munaasabad lagu xusayey maalinta Dalxiiska Soomaaliya, ayaa sheega in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisay adeegyada dalxiiska iyo horumarinta kaabayaasha dalxiiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dalxiisku yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka, kor-uqaadista xiriirka Bulshada iyo Caalamka iskaashi joogta ah lala yeesho gaar ahaan urur goboleedka Bariga Africa iyo IGAD.

“Dalkeenu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda Danqaran waxaa ay dhiirigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn bogaadiyey howlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Dalxiiska dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles