Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kormeeray qaar ka mid ah wasaaradaha dalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

Booqashadan ayaa ahayd mid qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee hay’adaha dawladdu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay masuuliyiinta sare ee wasaaradahaas, isagoo warbixinno ka dhageystay ku saabsan howlaha ay Wasaaraduhu ka wadaan dalka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shacabka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay hay’adaha dawladdu inay sii xoojiyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta shaqada, si loo hubiyo in adeegyada ay si toos ah u gaaraan shacabka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha Wasaaraduhu ay waafaqaan Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo horumar waara iyo mid wadajir ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles