Wednesday, March 18, 2026

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo muqdisho ka dhagax dhigay Mashruuc Ganacsi oo casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Moolka casriga ah ee uu maanta dhagax-dhigay uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku fooggan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uuna xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP) ay kamid yihiin hirgalinta maalgashiga, fududeynta howlaha ganacsiga, iyada oo dowladdu sameysay Shuruucdii loo mari lahaa horumarinta dhinacyda faa’iiddada u leh dalka iyo dadka.

“Waxaa farxad ii ah in aaan maanta joogno dhagax-dhigga mashruuc weyn oo muhiimad gaar ah u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta dhaqaale, shaqo abuurka iyo bilic soo celinta caasimadda, lana jaanqaadaya suuqyada adduunka, tan oo ah tallaabo wax-ku ool ah in shirkadaha caalamiga ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo maalgashiyada kala duwan ee dalkeenna u horseedaya horumarka, isaga oo dhiirigeliyey in laga faa’iideysto fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, kuwaas oo horseedyada in dalku uu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles