Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Garoonka Stadium Muqdisho ka furay kulan ciyaareedka Xidigaha Halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika ee kala ah Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

Ciyaartan oo ah mid ku dhisan is-dhexgal, saaxiibtinimo dhiirrigelin, waxa ay ka tarjumaysaa rajada cusub ee uu dalka Soomaaliya nabad ah, gaar ahaan dhanka horumarinta isboortiga, waana fursad qiimayn rasmi ah loogu sameynayo in xulka Qarankeennu helo garoommo ciyaareed caalami ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka xiddigaha caalamiga ah iyo madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.

Ciyaarta Saaxiibtinimo ee galabta ka qabsoontay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xubin sare oo ka tirsan golaha sare ee fulinta FIFA, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jamhuuriyadda Djibouti, Madaxweynaha xiriirka bariga iyo bartamaha Afric iyo Masuuliyiin kale.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles