Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles