Tuesday, June 23, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay shirka Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2020-ka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

Shirka socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles