Monday, June 8, 2026

Ra’isul Wasaare Abiy oo xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Tigrey

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay in uu lataliye u noqdo Madaxweynihii maamulka KMG ee gobolka Tigrey Getachew Reda, oo isbuucyo kahor kasoo cararay gobolka kaddib markii uu mucaaradad xooggan la kulmay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, ayaa lagu shaaciyay in Getachew Reda uu kamid yahay lataliyaasha gaarka ah uu leeyahay Ra’isul Wasaare Abiy, waxa uuna hadda kaddib ka howlgali doonaa xafiiska Abiy.

Getachew Reda, ayaa laga qaaday xilka KMG ee maamulka gobolka Tigrey, kaddib markii kacdoono isaga ka dhan ah halkaasi ka bilowdeen, waxaana Madaxweynaha cusub ee maamulka gobolka Tigrey loo magacaabay sargaal ciidan oo lagu magacaabo  Leitenant General Tadesse Worede.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaana xal u raadinaya xasilloonida gobolka Tigrey oo horey uga dhaceen dagaallo dhiig badan ku daateen, waxa uuna xilka Madaxweynaha u magacaabay sargaal ciidan oo kamid ahaa mucaaradka Madaxweynihii xilka laga diray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles