Tuesday, July 1, 2025

Ruushka oo dagaal kula wareegay magaalo muhiim u aheyd Ukraine

Ciidamada milatariga Ruushka , ayaa hormaro ka sameenaya dagaalka xooggan ay kula jiraan ciidamada Ukraine, waxa ayna Ruushka isku dayayaan in ay qabsadaan magaalooyin hor leh oo gacanta ugu jira dowladda Ukraine,.

Dagaallo maalmihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyn ciidamada Ruushka ugu suurto gashay in ay kula wareegaan magaalada jiidda hore ee Kurakhove ee bariga Ukraine ee gobolka Donetsk, waxaana magaaladan ka baxay ciidanka Ukraine ee difaaca uga jiray.

Magaalada ciidamada Ruushka la wareegeen ayaa muhiimad gaar ah u laheyd ciidamada milatariga Ukraine, waxa ayna aheyd magaalada ay usoo maraan saadka ciidamada Ukraine ee ku sugan qeybo kamid ah bariga dalkaasi.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, dagaalka ayaana qarxay kaddib markii weeraro rogaal celis ah ay qaadeen ciidamada UKraine oo isku dayaya in ay soo ceshtaan magaalooyin laga qabsaday.

WARARKII KALE

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles