Saturday, June 14, 2025

Wasiir Maareeye oo soo xiray kulan lagu dhiirrigelinayo tacbashada beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada iyo tacbashada Beeraha.

Wasiirka oo ka hadlayay gabagabada kulanka ayaa sheegay in Barnaamijkan diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta dhallinyarada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay door muhiim ah uga qaataan horumarinta iyo tacbashada beeraha.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ay u dhaqaaqday dhinaca taageerada beeralayda Soomaaliyeed iyadoo xoogga saareysa kor u qaadista wax soosaarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada xirfadaha leh.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in lafdhabarta dhaqaalaha dalka oo ah beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiguba ay haysato dhibaato xooggan oo dhanka maalgelinta ah loona baahan yahay in sare loo soo qaado si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda ayaa ku celiyay ballanqaadka Wasaaradda ee ku aaddan taageerada beeralayda iyo dhallinyarada, isagoo ku boorriyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed in diiradda la saaro horumarinta iyo tayeynta wax soosaarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles