Ruushka oo dagaal kula wareegay magaalo muhiim u aheyd Ukraine

Ciidamada milatariga Ruushka , ayaa hormaro ka sameenaya dagaalka xooggan ay kula jiraan ciidamada Ukraine, waxa ayna Ruushka isku dayayaan in ay qabsadaan magaalooyin hor leh oo gacanta ugu jira dowladda Ukraine,.

Dagaallo maalmihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyn ciidamada Ruushka ugu suurto gashay in ay kula wareegaan magaalada jiidda hore ee Kurakhove ee bariga Ukraine ee gobolka Donetsk, waxaana magaaladan ka baxay ciidanka Ukraine ee difaaca uga jiray.

Magaalada ciidamada Ruushka la wareegeen ayaa muhiimad gaar ah u laheyd ciidamada milatariga Ukraine, waxa ayna aheyd magaalada ay usoo maraan saadka ciidamada Ukraine ee ku sugan qeybo kamid ah bariga dalkaasi.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, dagaalka ayaana qarxay kaddib markii weeraro rogaal celis ah ay qaadeen ciidamada UKraine oo isku dayaya in ay soo ceshtaan magaalooyin laga qabsaday.

WARARKII KALE

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

Sagal Cabdiweli oo Soomaali ah oo ku guuleysatay kursigii Keir Starmer

Sagal Cabdiweli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool...

Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo...

Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad

Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles