Xuutiyiinta oo weeraray Markab weyn oo siday gantaalo iyo diyaarado Dagaal

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen, Yaxya Saree, ayaa Isniintii sheegay in kooxda hubeysan ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa’iil.

Saree waxa uu sharaxay in Xuuthiyiinta ay beegsadeen markabka xambaara diyaaradaha Maraykanka ee “USS Harry Truman” oo siday laba gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo 4 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kaasoo sugnaa waqooyiga Badda Cas, isagoo xusay in Maraykanku uu qorsheynayay inuu weeraro Yemen, isla markaana ay “ fashiliyeen isku daygoodii. “

Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen bartilmaameedyo ciidan oo ku yaalla Jaffa iyo Ashkelon oo ku yaalla bartamaha Israa’iil, halka wargeyska Times of Israa’iil lag aleeyahay uu sheegay in ciidammada Israa’iil aanay soo sheegin wax xog ah oo la xiriirta in Israa’iil weerar looga soo qaaday dhanka Yemen.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa sheegay in uu caasimadda Yemen u tagay dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda sii xumaanaysa, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay ee muddo laba sano ah ku dhow.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles