Saturday, June 14, 2025

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in Daacish katirsan yihiin

Ciidamada maamulka Puntland , ayaa buuraha gobolka Bari ka bilaabay howlgal balaaran oo ay ku doonayaan in kooxda Daacish halkaasi looga saaro, waxaana gobolkaasi muddo dheer ku sugan Madaxweyne Deni oo howlgalkan abaabulaya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in kooxda Daacish xiriir la lahaayeen kuwaa oo in muddo ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Siciid Deni , ayaa si gaar ah cafis ugu fidiyay shaqsiyaad kasoo jeedo gobolka Bari ee Puntland, kuwaa oo u xirnaa in ay katirsanaayeen kooxda Daacish ee buuraha gobolka Bari ku sugan, iyo qaarkood oo iyana lagu eedeeyay in ay xariiro la sameeyeen xubno katirsanaa ururkaasi.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiyada laga sii daayo eedaysanayaashaasi oo aysan si toos ah ugu caddayn in ay ka tirsanaayeen kooxaha Daacish, balse lagu eedeeyay in uu macaamil dhexmaray ama xiriir.

Warar kale oo soonbaxaya ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay kooxda Daacish in ay kasoo goosanayeen xubno katirsanaa kooxdaasi, kuwaa oo badankood la sheegay in ay ahaayeen rag kasoo jeeda gobolka Bari ee Puntland.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles