Friday, April 10, 2026

Ruushka oo looga shakiyay in uu carqaladeeyay diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub

Ruushka ayaa lagu eedeeyay carqaladeyn kadib markii uu shaqeyn waayey habkii hagidda diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub.

Ursula von der Leyen oo ku sii jeedday magaalada Plovdiv ee dalka Bulgaria markii GPS-ku uu joojiyay shaqadiisa, taasoo ku qasabtay duuliyihii in uu isticmaalo hagida ku saleysan dhanka dhulka si uu usoo deggo.

Wargeyska Financial Times, oo soo xiganaya saraakiil aan la magacaabin, ayaa sheegay in diyaaradda von der Leyen ay ku qasbanaatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Plovdiv iyadoo duuliyayaasha ay isticmaalayaan khariidado waraaqo ah.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Bulgaria ka heleen xog ah in “faragelinta qaawan ee Ruushku sameeyay” ay ka dambeeysay dhacdada. Ruushka ayaa marar badan lagu eedeeyay faragelinta GPS-ka, oo inta badan ay ku lug lahaayeen diyaarado maraya hawada Baltic iyo Waqooyiga Yurub.

Komishanka Yurub ayaa sheegay in “hanjabaadaha iyo caga-juglaynta ay yihiin qayb joogta ah oo ka mid ah ficillada cadawtinimada leh ee Ruushka” iyo in dhacdadani ay xoojinayso ballanqaadkeeda ah “kor u qaadista awoodaha difaaca iyo taageerada Ukraine”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles