Ruushka oo war ka soo saartay xiisada kala dhexeysa Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine ay ku dhowdahay dhammaad, isagoo la hadlayay weriyeyaasha kadib bandhig ciidan oo kooban oo ka dhacay Moscow, kaas oo lagu xusayay guushii Midowgii Soofiyeeti ee dagaalkii labaad ee adduunka.

“Waxaan u maleynayaa in arrintu ay ku dhowdahay dhammaad,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya waxa Ruushku ugu yeero “hawlgalka gaarka ah ee militari” ee Ukraine, isla markaana cambaareeyay taageerada reer Galbeedku siiyaan dowladda Kyiv.

Bandhigga sanadlaha ah ee Ruushka ma lahayn muuqaalkii caadiga ahaa ee taangiyada iyo gantaallada, sababo la xiriira walaacyo amni, maadaama mas’uuliyiintu ka cabsi qabeen in Ukraine ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarto Fagaaraha Cas ee Moscow.

Xabbad-joojin daqiiqadihii ugu dambeeyay la gaaray oo u dhexeysay Moscow iyo Kyiv, taas oo uu dhexdhexaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa yareysay khatarta weerar kasta, waxaana bandhiggu ku dhammaaday si nabad ah oo aan wax dhacdo ah dhicin.

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo shir amni la yeeshay saraakiisha Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Khayre oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay burburinta suuqyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay burburinta Suuqa Xarraryaale, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Ciidanka DF oo ku sii siqaya Buurhakaba iyo Gulufka ka socda Baydhabo

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli...

Burcad-badeed Soomaali ah oo xeebaha Yemen ka afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigayay kalluumeysato ayaa markii ugu...

Darawal Soomaali-Maraykan ah oo u geeriyooday weerar arxan darro ah oo loogu geystay isagoo shaqeynaya

Maxamed Cismaan Yuusuf, oo ahaa darawal Soomaali-Maraykan ah oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles