Ruushka oo weerar culus ku qaaday Kiev

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in “weerar ballaaran” uu Ruushka ku qaaday caasimadda Ukraine, waxaana ku dhintay afar qof, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan siddeed kale.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa xalay duqeeyay dhowr gobol oo ay ku jirto Zaporizhzhia, halkaasoo ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ay ku dhaawacmeen, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in boqollaal diyaaradood iyo gantaallo loo adeegsaday weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay agagaarka Ukraine. Ruushku kama hadlin.

Sabtidii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa digniin u diray Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa duullaan ballaaran ku qaaday dalka Ukraine bishii Febraayo 2022, wuxuuna ku gacan seyray dadaallada caalamiga ah – ee uu hormuudka ka yahay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump – si loo soo afjaro dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles