Tuesday, March 3, 2026

RW xamsa abdi bare oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iy o fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa safiirka la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Kalluumaysiga, Warshadaha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ay muhiim tahay in ay dowladda Jarmalku maalgashato, si ay uga wada faa’ideystaan labada dowladood.

Safiirka Jarmalka, Mudane Sebastian Groth, ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ku samaysan doonto maalgashi dhinacyo badan leh, dhowaanna ay dalka imaan doonaan masuuliyiin ka socda wasaaradda horumarinta iyo dhaqaalaha dowladda Jarmalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles