Wasiirka Warfaafinta XFS oo Kulan la Yeeshay Wafdi ka Socday Jamacada Carabta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay Mudane Zayd Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee ururka.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta warbaahinta iyo arrimaha dhaqanka, gaar ahaan barnaamijka lagu xoojinayo luqadda Carabiga.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta ee xoojinta afka Carabiga, isagoo xusay in Warbaahinta Qaranka ay diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato ololaha lagu kobcinayo afkaas, sida ay horeba uga qayb qaadan jirtay.

Madaxa wafdiga Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-Sabban, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadashaqeyn buuxda la yeeshaan Warbaahinta Qaranka, isla markaana taageero joogto ah la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka Warfaafinta iyo wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale booqday Kaydka Cajaladaha ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socoto hawsha lagu casriyeynayo kaydka (digitalization).

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Nuur; Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare; Dr. Rami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waxbarashada ee ALECSO; Dr. Cali Cabdalla Al-Naciim, Agaasimaha Machadka Luuqadda Carabiga ee ALECSO ee magaalada Khartoum; Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Mudhlaq Al-Uteybah; iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles