Trump oo ka fiirsanaya in uu Ukraine siiyo gantaalada riddada dheer

Mareykanka ayaa tixgalinaya codsi uga yimid Ukraine oo ku aadan gantaalada riddada dheer ee Tomahawk, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance.

Si kastaba ha noqotee, Vance wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump uu sameyn doono “go’aanka ugu dambeeya” ee arrinta.

Kyiv ayaa muddo dheer ku baaqaysay in saaxiibadeeda reer galbeedka ay siiyaan hub garaaci kara magaalooyinka waaweyn ee Ruushka oo ka fog jiidda hore, iyagoo ku doodaya inay taasi ka caawin doonto Ukraine inay si dhab ah u wiiqdo warshadaha militariga ee Ruushka iyo soo afjarida dagaalka.

“Haddii waxyeelada dagaalka Moscow ay aad sare ugu kacdo, waxa lagu qasbi doonaa in ay bilawdo wadahadallo nabadeed,” ayuu yiri ku xigeenka gaashaandhigga Ivan Havryliuk oo la hadlay BBC-da.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa hoos u dhigay soo jeedinta Vance, isaga oo sheegay in aysan jirin wax xal ah oo wax ka beddeli kara xaaladda dagaalka ee nidaamka Kyiv.

“Haddii ay tahay Tomahawks ama gantaallada kale, ma awoodi doonaan inay beddelaan dhaqdhaqaaqa,” ayuu raaciyay

Gantaalada Tomahawk ayaa gaari kara masaafo dhan 2,500 km (1,550 mayl), taas oo Moscow ka dhigi karta in Ukraine ay soo gaarto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles