Wednesday, March 4, 2026

RW Xamsa” Hey’adaha waa in ay bixinta adeegyadooda ku xiraan Aqoonsiga Qaranka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kala ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Hey’adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Hey’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles