RW Xamsa oo ku biiray shirka ka socda Muqdisho iyo qodobo culus uu ka hadlay

Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2-aad ka socota Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dhammeystirka Dastuurka, dowlad-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP).

Sidoo kale Xamsa, ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.

“Soomaaliya waxa ay maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey in ay hoggaanka qabtaan”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waaweyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.

“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray.

“Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed “gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles