Friday, April 10, 2026

RW Xamsa oo kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dal weynaha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii wada hawlaha isku duwista ka jawaabista xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka taagan, jadwalkiisa qaabilista danjirayaasha adduunkana uu xiriirsanyahay, ayaa safiirka Shiinaha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhanka Amniga sida weyn wax looga qabtay, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, iyo ugu dambayn arrimaha abaaraha.

Sidoo kale Xamsa ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.

Danjiraha Shiinaha Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay indho cusub ku eegto Soomaaliya maadaama ay nabad, xasilooni iyo kala dambeyn ka hirgashay inta badan gayiga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, dalkuna uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

Mucaaradka oo dib u dhigay shirkii ay ku balansanaayeen

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles