Macalin Mahdi oo Hanjabaad Culus u diray saraakiil iyo shacab ka cabanaya dhul boobka

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa maanta markii uu Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dab-damiska ku gacan seeray wararka ku saabsan in dadkii Dab-damiska ee dadka laga raray loo wareejiyay dad gaar ah ama Ganacsato, isagoo sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.

Macallin Mahdi ayaa caddeeyay in dhulkaasi uu yahay hanti dowladeed oo ay leedahay Ciidanka Booliiska, isla markaana laga dhisi doono, Xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacad uu leeyahay Isbitaalka Madiina, iyo Xarunta Dab-damiska.

Dhammaan mashaariicdan ayuu sheegay in ay hoos tagayaan Booliiska, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn Ganacsato ama cid gaar ah.

Taliyaha ayaa qiray in dadkii degganaa halkaas ay dowladdu uga saartay baahi amni iyo qorshe horumarineed, arrintaasna wali ay taagan tahay. Wuxuu sheegay in mar kasta oo dowladdu waddooyin ballaarineyso ama amni hagaajinayso ay muhiim tahay in la fuliyo qorshaha, halkii laga dhigi lahaa goobo cowsho iyo amni darro.

“Dhulka Dab-damiska Booliiska ayaa lahaa oo dhisanaya… waa kutire-kuteen in Ganacsato la siiyay. Waxaa laga dhisayaa xarumo dowladeed oo shaqo muhiim ah qabanaya,” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa digniin adag u diray dadka uu sheegay in ay faafinayaan warar marin habaabin kara oo keeni kara in ay gaaraan maxkamad.

Wuxuu xusay in Sarkaalka iyo shacabka midna aysan ka sareyn sharciga iyo Askari ama sarkaal warbaahinta la wadaaga warar aan sharciga waafaqsanayn uu mudan doono tallaabo sharci ah

“Shacabka waxba kama duwana sarkaalkii Warbaahinta soo istaaga oo ka hadla wax aan sharciga waafaqsanayn. Dhul dowladeed oo waddooyin la mariyo la rabo in la qurxiyo, qof raba cowshaddii iyo amni darradii inuu ku sii degenaado cid ka yeeleyso ma jirto,” ayuu ku daray Taliyaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles