RW Xamsa oo la kulmay wafdi sare oo ka socday WFP

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayey Mudane Matthew Hollingworth, oo ah kaaliyaha dhanka mashaariicda ee Maareeyaha Guud ee WFP, oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda cunna-yarida, abaaraha, fatahaada iyo raadadka soo laa-laabta ee ka dhasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey wafdiga ka socday WFP xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo horumarrada la gaaray, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha, oo ay kamid tahay cunna-yaridu.

Waxa uu xusay baahida loo qabo in xal waara loo helo, maadaama xilligan la galay waqti roobaad, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago sidii reer guuraaga iyo beeraleyda dalka loogu jiheyn lahaa ka faa’iideysiga wax-soo-saarkooda, si looga maarmaamo ku tiirsanaanta gargaarka dibedda.

Xamsa ayaa uga mahadceliyey WFP doorkooda muhiimka ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xilligan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ragaadiyey.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay diyaarisay qorshayaal xal waara u noqon kara dhibaatooyinka keena cunna-yarida, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka ay dowladda gacan ku siiyaan sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho.

Dhankooda, madaxda ka socotay WFP ayaa bogaadiyey guulaha ay xaqiijisay xukuumaddu ee ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo laa-laabta ee keena cunna-yarida. Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshayaasha dowladda ee ku aaddan in dalku gaaro isku-filnaansho, si looga maarmo gargaarka dibedda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles