Mucaaradka oo ku dhawaaqay Banaanbax ka dhan ah DFS

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan banaanbax ballaaran oo ka dhici doona magaalada Muqdisho maalinta 10-ka May, kaasoo lagu muujinayo diidmada ay ka qabaan siyaasadda dowladda Federaalka.

Banaanbaxan ayaa ku beegan isla maalinta uu casuumaadda wadatashiga u fidiyay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo mucaaradku u arkaan mid ay qaadaceen haddii aan la fulin shuruudahooda, oo ay ugu weyn tahay joojinta doorashada ka socota Koofur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Muqdisho ay tahay mid aan laga aamusi karin, isagoo xusay in shacabka ay wajahaan dhibaatooyin culus, gaar ahaan kuwa la barakiciyay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka ay si weyn uga qeyb qaataan banaanbaxa 10-ka May, isaga oo tilmaamay in uu yahay mid looga soo horjeedo barakicinta iyo cadaadiska lagu hayo dadka rayidka ah.

“Maalinta Axadda waa inay shacabka Muqdisho isu soo baxaan, fasax uma baahna, waana inay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda,” ayuu yiri Shariif, isagoo ay hareer taagnaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Baaqan cusub ayaa sare u qaadaya xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay sii xoogeysato doodda ku saabsan doorashooyinka iyo xaaladda guud ee amniga caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles