Sunday, June 1, 2025

RW Xamsa oo maanta Salaada Ciida ku tukaday deegaanka Lambar 50 ee G/Sh/Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeelada hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-udirirka deegaanka ee halganka ciribtirka Khawaarijta ka wada halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta diinlaawe yaasha ah ee dalkeenna ku soo duushay.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga geesiyaasha difaacaya jiritaanka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles