Tuesday, March 3, 2026

RW Xamsa oo maanta Salaada Ciida ku tukaday deegaanka Lambar 50 ee G/Sh/Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeelada hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-udirirka deegaanka ee halganka ciribtirka Khawaarijta ka wada halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta diinlaawe yaasha ah ee dalkeenna ku soo duushay.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga geesiyaasha difaacaya jiritaanka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles