Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo hambalyo u diray Shacabka

Xili maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga madaxdii hore ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa waxaa ay hambalyo u aadan munaasabada ciida ay u jeediyeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Halka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isna hambalyo u diray Ciidamada qalabka sida, wuxuuna  u sheegay in ciidamada ay waqtigooda ku qaateen difaaca dalka, isagoo xusay in ciidamada qaarkood aysan helin fursad ay kula ciidaan carruurtooda iyo qoysaskooda.

Sidoo kale waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in garab istaag loo muujiyo qoysaska danyarta ah sib u yiri looga farxiyo munaasabada ciida.

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhankiisa Shacabka ka dalbaday in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka.

Dhanka kale madaxda dowlad goboleedyada ayaa iyaguna hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah madaxdaasi madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Sanad walba marka la gaaro bishan oo kale ayaa si weyn loogu dabaal degayaa guud ahaan Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles