Sunday, June 1, 2025

RW Xamsa oo magacaabay Guddiga Heer Qaran ee Taageerada Dagaalka Daacish iyo Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Guddigan ayaa ka kooban todobo xubnood, waxaa ayna ka shaqeyn doonaan siddii loo garab istaagi lagaa ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Puntland ee xiligan dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddigan ayaa ka kooban Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Isbaddalka Cimilada, Wasiirka Caafimaadka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maareeyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Ma cadda sida guddigan uu uga hawl gali doono Deegaannada Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Xukuumadda.

Waxaa xusid mudan inuusan guddigan ku jirin Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo Wasiirka Amniga oo lagu bedelay Wasiiru Dowlaha.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir...

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus...

Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka...

Weerar lagu qaaday fariisin ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles