Wednesday, March 19, 2025

RW Xamsa oo qaabbilay maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Sucuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha la maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 19/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Hoobiyeyaal lagu garaacay Xarunta Xalane ee Muqdisho

Weerar Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday...

Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u...

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin sharci kasto oo ka soo baxa DFS

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles